Quantcast
Channel: Wararkii ugu Dambeeyay – Somalidiasporanews.Com
Viewing all 7033 articles
Browse latest View live

Ergayga Qaramada Midoobay ee Arrimaha Somalia oo Kulan Goor dhawayd kula Qaatay Garowe Madaxweynaha Cusub C.weli

$
0
0

Garowe 09.Jan 2014 (SDN)- Wakiilka gaarka ah ee xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay oo maanta Garoowe kula kulmay madaxweynaha cusub ee Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ammaanay qaabka ay u dhacday doorashada madaxtinimada Puntland.

Kay-iyo-isimada-Puntland-300x168Kay ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha cusub wuxuuna sheegay in Qaramada Midoobay ay la shaqeyn doonto madaxweynaha cusub ee Puntland iyo maamulkiisa.

Wakiilka oo sidoo kale la kulmay odayaasha dhaqanka ayaa ku ammaanay sida ay usoo abaabuleen qabsoomidda doorashada oo u dhacday si dimuqraadiyad iyo nabadgelyo ku jirto.

Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Puntland hoggaamin doona shanta sano ee soo socota, kadib markii uu shalay ka guuleystay madaxweynihii hore Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole.

Garowe SDN.

Qurbejoog.com

 


Dawlada Madaxweyne Siilaanyo oo Xabsiga Mar kale ku Celisay Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Togdheer oo maanta Burco loogu diyaar garoobay soo dhawayntiisa

$
0
0

Hargaysa 09.Jan 2014 (SDN)- Xukuumadda Somaliland ayaa saaka xabsiga dhigtay Guuleed Daahir Samatar oo ahaan jiray Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Togdheer kaasoo ay dhawaan sii daysay kadib markii ay ka soo kacaysay habeen madaw magaaladda Burco.

guuleed daahirLama oga sababta Guuleed maanta loo xidhay hase yeeshee warar aanu ka helnay dad ka ag dhawaa ayaa sheegaya in uu doonayey saaka inuu u safro magaaladda Burco oo marka hore laga soo xidhay, laakiin xukuumaddu markii ay ogaatay soo dhaweyn loo samaynayo kadib go’aansatay xadhigiisa si aanu sumcad ugu helin.

Wararka kale e  naga soo gaadhaya magaaladda Burco ayaa sheegaya in Booliis kala duwan lagu daadiyey jidadka Burco si looga hor tago soo dhaweyn loo sameeyo ninka imika la xidhay, waxaanay wararka ugu danbeeyey sheegayaan in markii ay dadku ka war heleen xadhigiisa ay iska kala dareereen.

Lama oga cabsida iyo saamaynta intaas lee gee ay xukuumaddu ka qabto soo dhaweynta iyo shakhsiyadda Guuleed, balse waxa jira sababta marka horeba ay u soo xidhay in uu yahay hogaamiye kooxeed aloosi kara mudaharaadyo ka dhan ah Xukuumadda sida kii Burco dhawaan ka dhacay oo kale ah.

Guuleed waxa soo xidhay markii hore Ciidamo RRU ah oo burco u tagay iyagoo ilaalo ka ahaa wefti Wasiiro ah oo ay rabshadi kala kulantay Oodweyne, hase yeeshee markii danbe goor saq dhexe ah gurigiisa ugu daatay oo ka soo qafaashay isagoo hurda, laakiin waxa la sii daayey markii ay xukuumaddu aragtay in duufaano siyaasadeed oo gaadhsiisan gacan aka hadal ka dhici karaan xadhigiisa.

Si kasta ha ahaatee sida ay wararkii ugu danbeeyey sheegayaan Guuled waxa uu ku xidhan yahay saldhiga dhexe ee Hargeysa.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

“Wada hadalka lala yeelanayo Somaliya waa arin qaran , dawladanina lama gali karta wadanka Somaliya wada hadal waayo dawlad dhisan maaha” Gudoomiyaha Ucid

$
0
0

Hargaysa 09.Jan 2014 (SDN)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ahee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inaanay socon doonin  waxa ka soo baxa wada hadalka ay xukuumada somalilandkula kaliyeysanayso wadanka Somaliya.

faysal cali waraabeGudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid waxa uusheegay inaanay danta qaranku ku jirin inuu xisbi kaliyi maroorsado islamarkaana uu ka talaabsado talladii lagu furay wada hadalka wadanka somaliya,waxaanu tilmaanay inaanay xisbiyada mucaaridka ahi aqbali doonin qodobada kasoo baxa wada hadalka ay xukuumada Somaliland la galayso wadanka somaliya.

Ugu horayn gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah eeUcid oo ka hadlaya wada hadalka dhex maraya Somaliland iyo somaliya ayaa waxaauu  yidhi “Wada hadalka lala yeelanayo Somaliya waa arin qaran xisbi kaliya oo gaar u lehna ma jiro taasina waa tii keentay inaanu isku wada nimaadno oo aanu London tagno oo aanu Turkey tagno ooaanu ku faa,iidnay, waxa iswaydiin leh maxaa loo baadalay habkii hore, mana ahaFaysal ayaa laga tagay mana aha dan shakhsi aniguna waligay dan shakhsi umaanordin haddii aanu ordayna way iga muuqan lahayd, miyaa lagu khasaaray wadashaqayntii sadex xisbi, Aniga iyo madaxweynihii hore Daahir Rayaale, Siilaanyoiyo waftigii nala socday miyaa lagu khasaaray, haddii aanu wada yeelan wayno wada tashi oo aanu raadin wayno ictiraafka Somaliland iyo sida loo galayo wada hadalka Somaliland iyo Somaliya  xaq waxaanu u leenahay inaanu anagu doono  oo aanu ka midha dhalin doono, laakiin in hadalka la badalo  oo dadka juhalada ahi wax iskaga hadlaan maaha, waxaan shacabka Somaliland leeyahay inaan ahayn nin inuu Somaliland wax taro mooyaane aan looga baqi Karin inuu waxyeelo, dawladanina lama gali karta wadanka Somaliya wada hadal waayo dawlad dhisan maaha, dawlad qorshe leh maaha mana aha dawlad haysata gacanta Somaliland?ayuu yidhi gudoomiye Faysal Cali Waraaabe oo u waramayey HCTV.

Gudoomiyaha xisbiga Ucid oo hadalkiisa sii wataayaa sheegay inaanay xukuumadu haysan kalsoonida shacabka isla markaanaaanay  wada hadalka somaliya ku matali KarinSomaliland waxaanu yidhi ?sida uu sheegay xisbiga mucaaridka ah ee Waddaniayaanu ku wada soconaa oo  hadii ay  baxaan oo aanay talo qaran ku bixin inaanaysocon doonin wixii ay la galaan dawlada Somaliya waayo aqbalabiyad ma haystaan,kalsoonida shacabka ma haystaan, 15% shacabka ah ayaa maanta taageersan dawladaSomaliland, mana matalaan shacabka Somaliland.”

Ugu danbayntiina gudoomiyaha xisbiga Ucid waxa uuka hadlay eedayn uu u soo jeediyey wasiirka arimaha gudaha Somaliland isaga oojawaab ka bixiyey waxaanu yidhi “Wasiirka arimaha guduhu waxa uu igu sheegay bilaa mabda, laakiin marka la eego Cali Waran Cade waxa uu soo maray xisbigiiUdub, waxa ugu xigay Waddani hadana waxa uu ku biiray Kulmiye oo la ogaa sidaay isku yihiin, markii aanu madasha samaynaynaa waxa uu ahaa ninkii albaabka garaacayey ee la lahaa ma soo daynaa iyo ma aamini karno, anigu waxaan hubaa haddii aan maanta wasiir laga dhigin uu u tagi lahaa Xasan Sheekha Somaliya.? Ayuuyidhi gudoomiye Faysal Cali Waraabe.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

 

Kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab oo Deegaamada ay ka Taliso ka Mamnuucday Adeega Isgaadhsiinta Internet-ka

$
0
0

Muqdisho 09.Jan 2014 (SDN)- Ururka  Alshabaab ayaa soo saartay Bayaan ku socda Shirkadaha Isgaariinta ee dalka Soomaaliya, kaas oo ku mamnuuceyso qaar ka mid ah adeegyada ay bixiyaan Shirkadaha.

astaanta alshabaabBayaanka waxaa lagu sheegay in Xarakada Alshabaab ay go’aamisay joojinta adeegyada kala ah Mobile Internet (Adeegga Internetka ee teleefonada gacanta laga isticmaalo) iyo adeegga Fiber Optic oo isna ah adeegga Internetka ee leh xawaaraha sare.

Qodobada Bayaanka ku saabsan ee Shirkadaha Isgaariinta ku socda ayaa waxaa ka mid ahaa :

1) In laga joojiyo dhamaan dalka Soomaaliya isticmaalka adeegyada loo yaqaano Mobile Internet iyo Fibre Optic.

2) In dhammaan shirkadaha isgaarsiinta ah ee ku lugta leh adeegga Mobile internet-ka ama Fibre Optic-ga ay joojiyaan adeeggaas.

3) In shirkad walba oo ku lug leh bixinta adeegyadaas aan kor kusoo xusnay ay heysato muddo dhan 15 maalmood oo kaliya sidii ay u joojin laheyd adeegyada Mobile internet iyo Fibre optic, mudadaas oo ka bilaabaneyso taariikhda bayaankan uu soo baxo.

4) Shirkaddii ama shakhsiyaadkii u hogaansami waaya go’aanada kor ku xusan waxaa loo arki doonaa kuwo cadawga la shaqeynaya, waxaana lala tiigsan doonaa Shareecada Islaamka.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Oo Xarigga Ka Jaray Villa Hargeysa Oo Ah Xafiisyada Gudoonka iyo Guddiyada Baarlamaanka

$
0
0

Muqdisho Jan 09,2014(SDN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray Dhismaha Villa Hargeysa oo ah xafiisyada ay ku shaqeynayaan Gudoonka Baarlamaanka iyo Guddiyada Joogtada ah ee Golaha Shacabka ayadoo dhanka kalena Gudoomiyaha Baarlamaanka uu xarigga ka jaray Masjid weyn oo dhismihiisa isla xaruntaasi laga hirgeliyey.

Munaasabadda lagu furayey xarunta Villa Hargeysa oo dib u dhis ballaaran lagu sameeyey ayaa waxaa kasoo qeybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud,Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari,Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar,Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Mudane C/weli Sheekh Axmed,Xildhibaannada Baarlamaanka intooda badan, Sii hayeyaasha Golaha Wasiirrada qaarkood,safiirrada dalalka Caalamka u fadhiya Soomaaliya iyo marti sharaf kale oo ka socotay dalalka iyo Hay’adaha taageera Soomaaliya waxaana Madaxweynaha uu kormeeray dhammanba xafiisyada xaruntani.

Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar oo khudbad ka jeediyey furitaanka Munaasabadda ayaa xusay inuu aad ugu faraxsanyahay in maanta si rasmi ah loo furo xafiisyo ay ku shaqeeyaan Gudoonka iyo Guddiyada Baarlamaanka waxaana uu tilmaamay in talaabada tan ku xigta ay noqon doonto in la hirgeliyo dhismaha Xarunta Baarlamaanka Umadda Soomaaliyeed si Baarlamaanka soo socda ee bedeli doona Golaha Shacabka hada jiro uu u helo xarun uu ku shaqeeyo.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo isaguna khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa ugu horeyn u mahad celiyey boqortooyada Norway oo iyadu hirgelisay dhismaha Xafiisyadan iyo hay’adda QM u qaabilsan hormarinta ee UNDP oo iyaduna qalabeysay xafiisyada Villa Hargeysa,sidoo kalena waxa uu xusay Gudoomiyaha Golaha Shacabka iney jiraan ganacsato Soomaaliyeed oo iyagu hirgelinta dhismahan gacan ka geystay kuwaasi oo ay ugu horeyso Rugta Ganacsiga Soomaaliya,kaalmada iyo ballan qaadyada ay dalalka caalamka u sameeyaan Soomaaliya ayuu ku booriyey iney ka dhabeeyaan ballan qaadkooda waxaana uu mahad celin kal iyo laab ah u jeediyey Jaalleyaasha iyo howlwadeennada Golaha Shacabka .

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa khudbaddiisa kusoo hadal qaaday marxalada siyaasadeed ee uu dalku marayo waxaana uu xusay in dhowaan ay Baarlamaanku ansixiyeen Ra’isulwasaaraha Xukuumadda islamarkaana la dhowrayo hada ansixinta iyo dhaarinta Golaha Wasiirrada cusub,lagana doonayo in laga wada shaqeeyo sidii dalkan lagu gaarsiinlahaa sanadka 2016 marxalad ay dadweynuhu wax ku dooran karaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo isaguna khudbad ka jeediyey munaasabadda ayaa ugu horeyn u mahad celiyey Gudoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaana uu xusay in tallaabadan lagu hirgeliyey dhismaha xafiisyada Gudoonka iyo Gudiyada Baarlamaanka ay tahay mid fududeyneysa shaqooyinka la doonayo in la qabto.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka kale ka hadlay marxalada siyaasadeed ee uu dalku marayo gaar ahaanna magacaabista Golaha Wasiirrada oo ah mid si aad ah ay u dhoorayaan Xildhibaannada Golaha Shacabka isagoo uga mahad celiyey dulqaadka ay muujiyeen waxaana uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda xusay in Ra’isulwasaaraha Xukuumadda uu arintaasi dadaal dheer ku bixiyey islamarkaana dhowaan ay soo gebageboobi doonto,Baarlamaankana uu ka rajeynayo inuu fududeyn doono.

Markii ay munaasabadaasi soo gebagebowday kadib Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu xarigga ka jaray Masjid weyn oo dhismihiisa laga hirgeliyey xarunta Villa Hargeysa ayadoo talaabadan ay qeyb ka tahay istiraatiijiyadda hormarineed ee uu Gudoonka Baarlamaanka u dejiyey howlaha Golaha Shacabka.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

“Marka ay dhacdo doorashada sanada 2016 waxaan talada dhanka ciidanka Somaliya ku wareejin donna Madaxweynaha markaasi la doorto” Wakiilka Midowga afrika ee Somalia

$
0
0

Muqdisho 09.Jan 2014 (SDN)- Wakiilka Midowga Afrika uqaabilsan arimaha Somaliya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta ciidanka midowga Afrika ee Amisom ee Xalane oo ku taala Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu warfidiyeenada u sheegay in ciidamada amisom Somaliya Nabadeen doonaan doorashad fog ee soo socta ka hor.

wakiilka-AU1Maxamed Salax Nadhiif wakiilka midowga Afrika ayaa waxa uu sheegay in wax dan ah aysan kusii jiri Karin sii joogida Amisom Somaliya kadib hadii Somaliya lagaaro xiliga Doorashada 2016 waxa uuna sheegay kahor in ay sii tayeen doonaan Ciidanka Somaliya.

“Marka ay dhacdo doorashada sanada 2016 waxaan talada dhanka ciidanka Somaiiya ku wareejin donna Madaxweynaha markaasi la doorto iyo saraakiisha ciidanka xiligaasi talada haya sidaa waxaa yiri wakiilka midowga Afrika Maxamed Salax Nadhiif.

Sidoo kale wakiilka ayaa waxa uu ka hadlay doorashadi shalay ka dhacday maamulka puntland taasoo uu kusoo baxay Cabdi wali Gaas waxa uu ku tilmaamay in ay ahayd doorasho ku dhamaatay si wanaagsan oo ku deyasho mudan.

Ugu danbeyntii wakiilka mar kale oo uu ka hadlay Arimaha ciidamada Amisom ayaa waxa uu sheegay in ay sii rajeynayaa in somaliya ay sii joogaan ilaa iyo sanada 2016 oo u noqon doonta joojis gaareysa mudo sagaal sano.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

 

Gudoomiyeyaasha Labada Xisbi Mucaarid oo Ka Qayb galay Caleemo Saarka Ugaaska Beesha Makaahiil Sawiro iyo Dhagayso

$
0
0

Hargaysa 09.Jan 2014 (SDN)- Gudoomiyeyaasha  Xisbiyada Mucaaridka ah ee WADDANI ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Ucid Eng Faysal Cali Waraabe iyo wafti balaadhan oo uu horkacayaan ayaa ka qaybgalay caleemo saarka ugaaska cusub ee Ugaas Maxamed Cabdilaahi Ibraahin Magan (Jabane) oo lagu caleemo saaray deegaanka Abu-riin ee koonfurta Abaarso.

Waftiga oo uu Hogaaminayay Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa abbaaro tobankii subaxnimo lagu soo dhaweeyey madasha caleemo saarka ugaaska cusub ee Beesha makaahiil Isaaq oo ka dhacaysay deegaankaas Abu-riin.

Gudoomiyaha Cirro ayaa lagu qaabilay roog cas iyo sacab balaadhan markii uu goobta gaadhay iyada oo uu halkaas kala qaybqaatay dadweynihii joogay farxaddii caleemo saarka ugaaska cusub ee makaahiil isaaq.

Gudoomiyaha ayaa ugu horayn halkaas duco iyo dardaaran balaadhan uga jeediyey Ugaaska cusub Ugaas Maxamed Cabdilaahi Ibraahin (Jabane), iyada oo xubnihii kale ee waftiga gudoomiyuhuna ay halkaas ugaaska uga soo jeediyeen duco iyo hambalyaba.

Gudoomiyaha iyo waftigiisa ayaa kasoo ambabaxay deegaanka abu-riin markii ay lasoo gunaanaday caleemo saarkii ugaaska cusub ee makaahiil una soo baqoolay dhinaca magaalada caasimadda ah ee Hargeysa.

Isku soo wada duuboo Gudoomiyaha Xisbiga Mucaarika ah ee WADDANi iyo waftigiisa ayaa door muhiim ah ka ciyaaray xafladda caleemo saarka ugaaska cusub ee beesha Makaahiil.

Waxa xusid mudan in gudoomiyaha xisbiga kale ee mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabena kasoo qaybgalay xafladda caleemo saarka ugaaskan cusub halka aanay goobta ka muuqan cid ka socota xukuumadda Somaliland.

Guji Halkan oo Mobilkaaga ka Dhagayso Hadaladii Labada Gudoomiye


OLYMPUS DIGITAL CAMERA OLYMPUS DIGITAL CAMERA OLYMPUS DIGITAL CAMERA OLYMPUS DIGITAL CAMERA OLYMPUS DIGITAL CAMERA OLYMPUS DIGITAL CAMERA OLYMPUS DIGITAL CAMERA OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Is Mari Waaga dhismaha Xukuumada Cusub ee Ra’isal Wasaare C.weli iyo Sawirka Caawa

$
0
0

Muqdisho 09.Jan 2014 (SDN)- Waxaa maalmihii u danbeeyay Guux Siyaasadeed uu ka Taagnaa Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia kaas oo Salka ku hayay Khilaaf Hor leh oo ka dhex Curtay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’isal Wasaarihiisa C.weli kaas oo Gun Dhigiisu yahay Magacaabista Xubnaha Golaha Wasiiirada oo ilaa iyo haatan uu Ra’isal Wasaaruhu ka go’aan qaadan la’a yahay Madaxweynaha oo la sheegay inuu danaynayo in Xubno ku Jiray Golihii Wasiirrada ee Xukuumadii Saacid oo uu Xidhiidh dhaw la leeyahay uu ku rabo in lagu soo daro dawlada cusub.

Sawirkan ayaa Muujinaya Madaxweyne Xasan oo lagu Cabsi gelinayo in Laba Cabdi Weli ay Hortaagan yihiin damiciisa Isaguna uu Fooxa u Shitay.

Laba Cabdi Weli

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com


Weftigii Somaliland ee Ku Sugnaa Wadanka Itoobiya oo Kulan Maanta la qaatay Madaxweynihii Hore ee Nigeria Mr. Obasango

$
0
0

Addis Ababa 09.Jan 2014 (SDN)- Waftiga Jamhuuriyada Somaliland  uga qayb-galayey wada hadalada dalka Somaliya oo ku sugan magaalada Addis-ababa xarunta dalka Ethiopia, oo maal-maha inagu soo aadan u amba bixi-doona dalka Turkiga, ayaa maanta magaalada Adis- ababa kulan, kula yeeshay madaxwaynihii hore ee dalka Nigeria Obasango.

 

Waftigan oo uu hogaaminayay wasiirka Arrimaha debadda Somaliland,  Mudane, Maxamed Biixi Yoonis, waxa kulankaasi ku wehelinayay wasiirka madaxtooyada Mudane, Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxaana madaxweynihii hore ee dalka Nigeria uga xog warameen marxaladihii kala duwanaa ay Somaliland soo martay nabadaytii beelaha, dhismaha dowladnim iyo sababihii keenay in qarinameeda dib-u-lasoo noqoto Jamhuuriyada Somailand.

 

Waftiga waxay sharaxaad mug leh ay ka siiyeen madaxwaynihii hore ee dalka Nigeria Obasango, guud bahaanba xaalada jamhuuriyada Somailand.  Heerarkii  nabadgalyo, dhismaha dowladnimo iyo dimoqraadi yada Somaliland ay ku talaabsatay oo ku dhisan dhidibo adag oo qawaaniin iyo sharci distoori ah ku qotanta.

 

Waxa kaloo intaas ay ugu dareen xog waranka  ay siiyeen madaxwaynihii hore ee dalka Nigeria Obasango. In Somaliland   kaalin nabad-galyo oo muhiin ah kaga jirto gobolka geeska Afrika, oo dhibatooyin badan oo soo jiitamay oo mahadhi waaya ka jireen mudo dheer.

 

Madaxwaynihii hore ee dalka Nigeria Mr. Obasango. oo horeba xog buuxda uga haystay xaalada Somaliland, waxa uu ku amaanay dowlada iyo shacabka Somaliland horumarka ay gaadhay iyo talaabooyinka ay qaaday oo  mudan iyo kuwo u noqonkara tusaale wanaagsan oo inay ku daydaan ay tahay wadamo badan oo ictiraaf haysta, waxaanu xusay Mr. Obasango. Muhiiimada iyo sida loogu baahan yahay in beesha caalamku barbar istaagto dadaalka ay wado dowlada Somaliland ee uu hogaaminayo Madaxweyne  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Kulankan oo ahaa mid qiimo gaara u leh labada dhinacba ayaa ku soo gabagaboobay jawi wanaagsan.

image_9image_8image_7image_6image_5image_4image_3image_2image_1image

Addis Ababa SDN.

Qurbejoog.com

 

 

 

 

Boqortooyo cusub oo laga dhawaqay magalada London casimadeeduna tahay Hargaysa waxana loo doortay Boqor Siciid Xariir Diiriye

$
0
0

London 10jan13 (SDN)waxa laga dhawaqay casimada london boqortoyo cusub oo la magac baxday united kingdom somaliland taas oo la mida tan ka jirta wadankan uk iyo wadamada scendenevia taas oo raysal wasare iyo xisbiyo badan boqor siciid xariir oo qurbejoog la soo xiriiray ayaa shegay inuu ka fakiray wada tashina la yeeshay bulshawaynta somaliland ee ku dhaqan  waxana uu shegay inuu ku jiro qabanqabadii dawlada cusub isaga oo shegay in somaliland ku guuldarasatay habkii dumqradiyadeed lona bahan yahay in dib logu soo noqdo dhaqankii boqor siciid ayaa shegay inuu hada ku jiro inuu ururiyo habkii loo dhamaystiri lahaa boqortoyadaas.

1006266_538519602886212_561436177_n

Dawlada Australia oo mudo ka dib dal ku gal siisay Haweeney Soomaali ah oo halkaa Caafimaad u tegilaheyd

$
0
0

Sydney Jan 10,2014(SDN)-Dawlada Australia oo hore dal ku gal ugu diiday haweeney Soomalai ah oo dooneysay dalkaasi in ay qaliin caafimaad ugu tagto ayaa haatan loo ogolaaday in ay  dalkaas tagto.

Ayaan Maxamed oo 25 jir ah ayaa dib u dalbatay dalku galka Australia ka dib kolkii dawlada dalkaasi ay cadaadis faro badan kala kulantay diimdadeedii hore ee dal ku galka.

Ayaan ayaa waxa wejiga kaga yaal dhaawac rasaassi sababtay oo gaaray tiyoo caruur ah xiliyadii dagaalada Soomaaliya.

Brisbane’s Wesley Hospital and Rotary ayaa Ayaan u soo bandhigay fursad ay dib ugu habeyn ugu sameynayaa wejigeeda.

“Sida ay noo sheegeen safaarada Australia waxa ay Ayan dib ugu dalbatay dal ku gal,waxaana haatan ay buuxisay gebi ahaanba shuruudihii looga bahnaa”sidaa waxa saxaafada u sheegay wasiirka socdaalka ee Australia Scott Morrison.

Cusbotaalka ayaa abaabulay shicib faro badan oo culeys ku saaray dawlada sidii ay dalku galkan ay u heli lahayd Ayaan.

Ayaan Maxamed ayaa lagu wadaa in ay qaliinkeedu bilowdo lagu wadaa bisha ina soo heysa dabayaaqadeeda.

SDN-Sydney
contact@somalidiasporanews.com

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Safar aan hore loo shaacin ku tegay Adis Ababa

$
0
0

Hargeysa Jan 10,2014(SDN)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa saaka aroornimadii safar kalahaada oo aan hore loo shaacin ugu kicitimay magaalada Adis Ababa.

Safarkan ayaa imanaya xili ay dalkaasi maalmo ku signaayeen wefdigii Somaliland uga qeyngali lahaa wadahadalada Soomaaliya oo uu hogaaminayao wasiirka wasaarda arrimaha dibedda ee Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland ayaan ka hadal safarkiisan degdega ah ee uu Adis saaka ugu anbabaxay.

Sidoo kale sfarka madaxweyne Siilaanyo ayaa ku soo beegmaya xili doorashadii maalmo ka hor ka dhacday Puntland uu ku guuleystay Madaxweyne Cabdiweli Gaas oo ku ololeyay in uu Gobolka Sool gacanta Puntland ku soo celin doono.

Si kastaba ha ahaatee Madaxweynaha Somaliland ayaa lagu wadaa in uu la kulmo Raiisul wasaaraha dalka ItoobiyaHailemariam Desalean.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Maxaa Sababay In Hogaankii Xisbiga Ucid ee Gobolka Sanaag ay ku dhawaaqaan inay Iska Casilaan Mas’uuliyadii Xisbigaas

$
0
0

Ceerigaabo 10.Jan 2014 (SDN)- Masuuliyiintii xisbiga UCID ee gobolka Sanaag, ayaa shaaca ka qaaday inay iska casileen xilkii iyo xubinimadoodii xisbigaasi, ka dib markii siday ay ku doodeen UCID ay soo waajahday wax ay ugu yeedheen Hoggaan xumo iyo siyaasad gurracan.

Xubnaha xisbiga UCID ka baxay ayaa kala ah Guddoomiyihii Xisbiga UCID ee gobolka Sanaag Axmed Cabdi Xasan (Baradho), Guddoomiye ku xigeenkiisii Yuusuf Mataan iyo Afhayeenkii xisbiga ee gobolka Sanaag Cabdi Garayo-cadde waxay istiqaaladooda ku sababeeyeen in masuuliyiintii xisbiga ee heer qaran ay ka dhaqaajiyeen markii ay u adkaysan waayay siyaasad xumadda guddoomiyaha UCID, waxaanay tilmaameen in xubnaha ka baxay ay ka mid ahaayeen Guddoomiye Ku xigeenkii labaad iyo Xoghayihii Guud ee UCID.

Guddoomiyihii Xisbiga UCID ee gobolka Sanaag Axmed Cabdi Xasan (Baradho) oo ka hadlay shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Ceerigaabo ayaa sheegay in xisbigoodii ay soo waajahday siyaasad xumo sabab uu u yahay Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

“Waxaan ummadda u caddaynaynaa anigoo ah Guddoomiyihii xisbiga UCID ee gobolka Sanaag, Ku xigeenkaygii iyo afhayeenkii xisbiga ee heer gobol inaanu maanta laga bilaabo iska casilay xilkii aanu xisbiga u haynay iyo xubinimadiisiiba,”ayuu yidhi Guddoomiyihii UCID ee gobolka Sanaag.

Mr. Baradho waxa uu intaas ku daray “Waxaanu uga baxnay xisbiga markii xisbiga ay soo food saartay maamul xumo iyo siyaasad gurracan oo gudoomiyahayagii caadaystay isla markaana aanu aragnay in masuuliyiintii xisbiga qaarkood ay ka baxeen markii ay arkeen sida wax yihiin, waxa ka mid ah masuuliyiinta xisbiga ka tagay Guddoomiye ku xigeenkii labaad iyo xoghayihii guud oo aanu ku soo hiran jirnay.”

Guddoomiye ku xigeenkii UCID ee gobolka Sanaag Yuusuf Mataan iyo Afhayeenkii xisbiga ee gobolka Sanaag Cabdi Garayo-cadde oo iyaguna shirkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay ka xun yihiin in xisbiga UCID uu noqdo mid siyaasad xumo ku habsatay, waxaanay sheegeen inay u adkaysan waayeen markay arkeen in xisbigoodu meel adag marayo.

Ceerigaabo SDN.

Qurbejoog.com

 

“Wada Hadalka Somaliland iyo Somalia waxaa ka Mas’uuula Xukuumada aan Madaxweynaha u ahay Cidii Wax kale la timaadaana iyadaa ka Mas’uula” Madaxweyne Siilaanyo {DHAGAYSO}

$
0
0

Hargaysa 10.Jan 2014 (SDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa maanta Socdaal Shaqo ugu Kicitimay Wadanka Itoobiya Kadib Markii uu Marti qaad ka Helay Ra’isal Wasaaraha Wadanka Itoobiya .

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Waxaa Madaarka Cigaal ku Sii Sagootiyay Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland,Madaxda Golayaasha Qaranka, iyo Mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne Siilaanyo oo Qolka Nasashada ee Madaarka ugu Waramayay Warbaahinta ayaa ka hadlay Wada Hadalada Somaliland iyo Somalia, Dhawaq ka Soo Yeedhay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid,Doorashadii Maamul Gobolkeedka Somaliyeed ee Punt land iyo Arrimo kale.

Guji Halkan oo Mobilkaaga ka Dhagayso Warbixinta Madaxweynaha


IMG_0490 IMG_0493 IMG_0503 IMG_0516 IMG_0535 IMG_0547 IMG_0551 IMG_0566 IMG_0580 IMG_0585 IMG_0589 IMG_0595 IMG_0603 IMG_0605 IMG_0607 IMG_0610

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

“Dib u dhigida shirweynaha waxay ku timid duruufo ku yimid Madaxweynaha oo safaro ugu baxaya dibada” Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland

$
0
0

Hargaysa 10.Jan 2014 (SDN)- Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaciil (Saylici) ayaa sheegey in shirweynihii xisbiga Kulmiye dib loo dhigay ka dib markii Madaxweynaha Somaliland la soo gudboonatay duuro ku saabsan safaro uu sheegay in bishan aynu ku jirno ugu bixi doono wadamada dibada, oo safarkii ugu horeyey maanta ku tagay dalka Itoobiya.

saylici77Madaxweyne Ku-xigeenka oo warbaahintu wax ka waydiisay khilaafka cakiran ee ka dhex jira xisbiga kulmiye iyo dib u dhac-yada ku yimid shirweynihii kulmiye dhawar jeer,  waxa uu sheegay in wax khilaaf ahi aanu ka dhex jirin xisbiga kulmiye.

Sidaasi waxa uu ku sheegay Wakhti uu madaarka Cigaal ee Hargeysa ku sii sagootiyey madaxweynaha Somaliland oo maanta u kicitimay dalka Itoobiya.

Madaxweyne ku-xigeenka oo su’aalo kooban warbaahintu waydiisay ayaa waxa uu ugu horeyn ka hadlay khilaafka kulmiye.“Horta wax Khilaaf lagu sheegi karo oo ka jira Kulmiye ma Jirto, lakiin meel hawli taalo waxa laysku qabtaa tubta loo marayo hawsha, haddii aad maqasheen hogaanku wuu ku kala qaybsan yahay arrimaha Xisbiga ma jirto,  lakiin tubta loo marayo iyo sida loo qabanayo shirweynaha iyo qaabka loo xulayo ergooyinka uunba taladeeda laga wadahadlaayey, lakiin wax khilaaf ah iyo arrin lagu kala tegayo ma jirto, arrintii xisbiguna meel fiican bay maraysaa wayna iska dhamaanaysaa.”

“Anagu waxaanu ka wada hadalnay in qaabkii xisbigu u qabsan lahaa shirweynihiisa iyo in qaab loo wada dhan yahay u qabsoomo, uunbaa  kala hadalnay  Madaxweynaha, lakiin  dib u dhigida shirweynaha waxay ku timid duruufo ku yimid madaxweynaha oo safaro ugu baxaya dibada, una baxaya  danta qaranka oo ku soo beegantay wakhtigii shirka la qaban lahaa ayaa keentay in dib loo riixo  shirweynaha Kulmiye.”Ayuu yidhi Saylici

 

Waxa kale oo la Waydiiyey  xidhiidhka ka dhexeya isaga iyo Muuse Biixi sida uu yahay waxaanu yidhi.“Waxaanu nahay labba nin oo saaxiibo ah, labba nin oo walaalo ah ayaanu nahay, labba nin oo isku xisbi ah ayaanu nahay, labba nin oo halgan badan soo wadda maray ayaanu nahay, wax dhibaato ah oo na dhex yaala ma jirto.”Ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenku.

Haraysa SDN.

Qurbejoog.com


Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Xiliga uu Ra’isal Wasaarihiisu Magacaabi doono Golihiisa Wasiirada

$
0
0

Muqdisho 10.Jan 2014 (SDN)- Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay ka hadlay dib-u-dhaca ku yimid soo magacaabista golaha wasiirrada cusub ee uu hoggaaminayo raysul wasaare Cabdiweli Shekh Axmed.

Xasan-Sheekh-III-300x200Wuxuu dib-u-dhaca ku macneeyay wadatashi iyo ka fiirsi badan oo uu raysul wasaaruhu u marayo magacaabista golihiisa wasiirrada, isagoo xusay in dhowaan la soo gudbin doono liiska wasiirrrada.

Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayuu madaxweynuhu ka codsaday in ay dulqaataan muddada kooban ee ka dhimman soo magacaabista wasiirrada.

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay raysul wasaare Cabdiweli oo uu tilmaamay in uu dadaal badan ku bixinayo soo magacaabista gole wasiirro oo tayo leh.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

”Waxay dowlada Federaalka ka rajaynaysaa inuu Sii Xoojiyo xariirka ka dhaxeeya dowlada Federaalka ah iyo Maamulka Punt land “Dr’s Maryama Qaasim

$
0
0

Muqdisho 10.Jan 2014 (SDN)- Wasiiradda Horumarinta iyo Adeega Bulshada hambalyeysay madaxweynaha cusub ee Maamul Goboleedka Punt land Mudane C.weli Maxamed Gaas.

maryam-qaasim8Wasiirada Horumarinta iyo Adeega Bulshada ee dawlada federaalku Waxay ku Tilmaantay in C.weli yahay Shakhsi ku Haboon Xilka loo magacaabay isla markaana aqoon yahan ah “Abdiweli waa nin aan soo wada shaqeynay, waxaana wasiiro kawada aheyn dowladiiKMG aheyd, waxaan leeyahay hawl adag ayaa kuu taala ee Ilaahay ha kula garab galo” ayay Tidhi Wasiirka Horumarinta iyo Adeega Bulshadu .

Wasiirada ayaa dhanka kale sheegtay in Cabdiweli uu yahay aqoon yahan Soomaaliya ka soo Qabtay Xilal gaar ahaan Dawladii Ku Meel Gaadhka ahayd , isagoona ku soo shaqeeyey duruufo adag xiligii uu hogaaminayay  barnaamijkii Road Map-ka,” waxay dowlada Federaalka ka rajaynaysaa inuu Sii Xoojiyo  xariirka ka dhaxeeya dowlada Federaalka ah iyo Maamulka Punt land “ ayay Tidhi.

Wasiiradu Waxaa kale oo ay Hambalyo u dirtay go’aanka uu ku aqbalay natiijadii doorashada madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiraxman Faroole

 

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

 

 

 

 

 

Qurbejoog.com

Weftigii Madaxweynaha oo Gaadhay Addis Ababa,iyo Wasiirka Arrimaha Dibada oo ka hadlay {DAAWO}

$
0
0

Addis Ababa 10.Jan 2014 (SDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo Weftigii uu Hogaaminayay ayaa Gaadhay Xarunta Dalka Itoobiya ee Magaalada  Addis Ababa.

vlcsnap-2014-01-10-20h46m16s161Madaxweynaha Somaliland oo Marti qaad rasmi ah ka helay Dawlada Itoobiya ayaa Waxaa Madaarka Addis Ababa ku Soo Dhaweeyay Weftigii Xukuumada Somaliland u Matalayay Wada hadalada Somaliland Iyo Somalia oo ku Sii Sugnaa Magaalada Addis Ababa.

Addis Ababa SDN.
Qurbejoog.com

Maxaa Sababay Is Casilaada laga soo Weriyay Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Axmed Cumar “Xamarje”

$
0
0

Hargaysa 10.Jan 2014 (SDN)- Warar Xog ogaal ah oo aanu ka helay magaalooyinka Burco iyo Hargeysa ayaa shabakadda Gudgudenews u xaqiijiyay inay xaqiiqo tahay jiritaanka war sheegayay in badhasaabkii Gobolka Togdheer Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarje) uu qoraal uu iskaga casilayo  xilka badhasaabnimo uu u gudbiyay Madaxweynaha Somaliland ka hor intii aanu maanta u kicitimin Itoobiya.

XamarjeWarku waxa uu intaas ku daray in wararka istiqaaladda Badhaabka Togdheer uu beryahanba isa soo tarayay ka dib. Waxa la sheegay in Badhasaab Xamarje uu ka biyo diiday xadhiga xukuumaddu xidhay  badhasaab Ku xigeenkii hore ee Togdheer Guuleed Daahir Samatar oo uu isagu u arkayay in xadhigiisu uu kaalin weyn ka qaadan karo kala qeybsanaanta shacbiga gobolka Togdheer.

Ilo xog ogaal ah oo aanu ka helay magaaladda Burco ayaa sheegay in masuuliyiin ka tirsan xukuumaddu ay badhasaabka u soo jeediyeen inuu is casilo, maadaama oo sida la weriyay lagu dhaliilay inuu xakamayn kari waayay xaaladda nabad-gelyo ee Magaaladda Burco. Hase yeeshee waxa la sheegay in Badhasaabku uu ku dooday inaanu is casilayn iyadoo aan xilka laga qaadin.

Badhaabka Togdheer Axmed Cumar Xaaji Xamarje oo ku sugan Hargeysa wax tafaasiil ah kama uu bixin waxyaabaha ku ajburay inuu xilka ka dego, waxa aan noo suurto gelin inaanu ku helo khadka Telefoonka, maadaama oo caawa Telefoonkiisa gacantu xidhnaa.

Sidoo kale ma jiro wax war ah oo xukuumaddu ka soo saartay istiqaalada Badhaab Xamarje, waxase la filayaa in madaxweynuhu ka go’aan gaadho marka uu dalka ku soo laabto.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Tartan Ciyaareed lagu Soo Gabo Gabeeyay Magaalada Laascaanod iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta oo ka Qayb galay

$
0
0

Laascaanood 10.Jan 2014 (SDN)- Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland sareeye Guuto Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) oo mudadii todobaadka ahayd ee u dambaysay hawlo shaqo ugu sugnaa gobolka Sool ayaa galabta ka qayb galay bilowga ciyaar semi-Final ah oo garoonka Ismaaciil Mire ee koonfurta magaalada laascaanod ku dhexmartay labo kooxood oo ka mid ah afar kooxood oo isugu soo hadhay tartan u socday toban kooxood oo magaaladaas ka dhisan.

Koobkan oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada ee Somaliland ayaa loogu talo galay ka hortagga tahriibka

taliyaha Ciidanka AsluubtaTaliyaha asluubta ayaa intii aan la bilaaban ciyaarta galabta oo dhexmaraysay labada kooxood ee dawlada hoose iyo iftin ayaa ku wareejiyey maamulka ciyaaraha ee gobolka Sool deeq ay ka mid yihiin kubado iyo agab kale oo ciyaareed, waxana uu sheegay in xukuumadda Somaliland ku dadaalayso dhismaha dhalinyarada iyadoo sanadkii hore garoon weyn laga dhisay magaalada laascaanood.

Dhankiisana isuduwaha Wasaaradda Ciyaaraha ee Gobolka Sool Md Jaamac Khaliif oo taliyaha ka gudoomay deeqdan qalabka Ciyaaraha ah ayaa uga mahadcelieyey taliyaha Asluubta iyo guud ahaan xukuumadda Somaliland taageeradan oo ah mid wax weyn ka taraysa habsami u socodka hawlaha ciyaaraha ee gobolka Sool.

Laascaanood SDN.

Qurbejoog.com

Viewing all 7033 articles
Browse latest View live


Latest Images